1494 Views

Tahriibayaal Afrikaan Oo Laga Soo Badbaadiyey Meel Ka Baxsan Xeebaha Liibiya

Tahriibayaal Afrikaan Oo Laga Soo Badbaadiyey Meel Ka Baxsan Xeebaha Liibiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  30, 2019 –Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen inay 117 Tahriibayaal ka soo kala jeeday dalal Afrikaan ah shalay ka soo badbaadiyeen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Al-khmas oo 120 KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha iyo Ammaanka Dekedaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay dadkaasi la socdeen dooni nooca caaga ee la buufiyo oo kula xumaatay xeebaha Galbeedka dalkaasi.

Tahriibayaasha shalay laga soo badbaadiyey  Xeebaha Libya ayaa la sheegay inay kala ahaayeen 84 rag, 15 haween iyo 18 carruur, kuwaasi oo la siiyey gargaar iyo daaweyn, ka hor inta aan loo gudbinin Xarun lagu hayo dadka sida sharci-darradda ku jooga dalkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment