453 Views

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation oo loo sameeyay kulan mahad celin ah.

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation oo loo sameeyay kulan mahad celin ah.
____________________________________________________________________________

Axad: April 24, 2022

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Qaxootiga yamaniyiinta eek u sugan magaalada muqdisho ayaa waxa ay ugu mahad celiyeen Hey’ada Hormuud Salaam Foundation Taageerida, Taakuleynta iyo Afurinta Bisha ramadaan oo sanad walba ay soo gaariiyaan Qaxootiga Yamaniyiiinta.

Ugu horeyn waxaa goobta mahad celinta ka hadlay Xuseyn Saalim Axmed oo kamid ah Odayaasha Jaaliyada asagoo sheegay in ay hormuud salaam foundation uga mahad celinayaan garab qabashada aya garab qabteen qaxootiga mana ahan markii ugu horeysay isagoo tilmaamay in hey’ada Hormuud Salaam Foundation ay taariikhda xusi doonto.

Hormuud Salaam Foundation ayaa mar walba u taagan caawinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba, iyadoo hay’addu marka la gaaro bisha barakeysanee Ramadan, ay fuliso mashaariicda noocan oo kala ah waxaana sanad walba ay gacantoodu gaartaa dadka aan wax heysan, sida Maxaabiista Xabsiga Dhexe, Naafada Martiini, Isbitaalka Dhimirka Xabeeb, Haweenka Danyarta ah, Barakacayaasha, Dhagoolayaasha iyo qaxootiga yamaniyiinta.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post