1554 Views

Ethiopia Oo Dhexdhexaadin Doonta Dowladda Soomaaliya Iyo Somaliland

Ethiopia Oo Dhexdhexaadin Doonta Dowladda Soomaaliya Iyo Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 08, 2019 –Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay ka dhur-sugayaan Midowga Europe, si loo dhaqaajiyo Wada-xaajoodka DFS iyo Maamulka Somaliland.

Shabakadda Wararka ee African Daily Voice (ADV) ee fadhigeeda dhexe ku yaalla Addis Abeba ayaa qortay inuu Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed ka war sugayo Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe si loo xaqjiiyo  qorshaha Dib-u-heshiisiinta ee DFS iyo Somaliland.

Isbuucii la soo dhafaay, Wafdi ka socday dhowr Dowladood oo ka tirsan EU-da ayaa waxay booqdeen magaalladda Hargeysa, iyagoo wada-xaajood la yeesheen Hoggaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi  sidii horey loogu dhaqaajin lahaa wada-xaajoodka Somalia iyo Somaliland.

Kulanka Wafdigaasi waxa uu ka yimid dadaalka uu Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ee uu ku heshiisinayo DFS iyo Maamulka Somaliland si loo gaaro Nabad ka hanaqaada Geeska Afrika.

Markii la doortay Abiy  Axmed waaxa uu sheegay inuu ka shaqeyn doono Nabadda Geeska Afrika, isla markaana uu diiradda saari doono xiisadda Somaliland iyo Somaliland iyo xiisadii u dhexeysay Ethiopia iyo Eritrea.

Mar uu isbuucii hore ka hadlay magaalladda Jigjiga oo u ukula kulmay Hoggaamiyayaasha Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia waxa uu hoosta ka xariiqay  inuu ka shaqeyn doono Hawlgalladda Deganaanshaha ee Gobalka Geeska Afrika.

Dhinaca kale, Kulankii uu Abiy Ahmed la yeeshay Madaxda DFS iyo Somaliland, waxayna DFS soo dhaweysay ballanqaadkii Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi ku sheegay inuu la shaqeynayso DFS.

Wada-xaajoodyaddaasi ayaa waxaa lagu heshiiyey in DFS iyo Somalialnd dib u bilaabi doonaan Wada-xaajoodka, iyadoo ay Midowga Europe taageerayaan dadaalka Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta ee Somalia iyo Somaliland.

Sannadkii 2014-kii, Dowladda Turkiga ayaa qabanqaabisay Shir lagu dhexdhexaadinayo Somalia iyo Somaliland, balse Maamulka Somaliland waxay bil kadib kulankaasi ku eedeeyeen Dowladda Turkiga inay u xaglinayso DFS, kana soo horjeedaan Maamulka Somaliland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment