1389 Views

Shabaab oo shaaciyay Magacyadda raggii weeraray xertii C/wali Cilmi Yare

Shabaab oo shaaciyay Magacyadda raggii weeraray xertii C/wali Cilmi Yare
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 10 2018—Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay laba ka mid ah magacyadii raggii ka dambeeyay weerarkii abaabulnaa ee lagu qaaday Bishii la soo dhaafay hooyga Magaalada Gaalkacyo uu ka deganaa wadaad lagu magacaabi jiray C/wali Cilmi Yare & Xertiisii.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay ku dhawaad 15 xubnood oo ay ku jiraan Wadaadka, Xaaskiisa iyo waliba labo Caruur ah oo uu dhalay.

Shabaab waxa ay shaaciyeen labo ka mid ah raggii weerarkaasi fuliyay oo Muddo ka tirsanaa Shabaab.

Cumar C/laahi Ciise oo Shabaab dhexdiisa looga yaqaan Cubeyd ayaa ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa Maxamed Sheekh Nuur oo isagana ku magac dheer Macalin Bishaar.

Ciidanka Ammaanka ayaa toogtay dhammaan raggii weerarka soo qaaday, waxaana ay sidoo kale gacanta ku dhigeen Mid dhaawac ah ka dib howlgal ay ka fuliyeen guriga wadaadka Qaraxyadda iyo weerarka ka dib.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment