2022 Views

Taliyeyaasha Ciidamada oo xalay kormeer ku tagay baraha kontoroolada

Taliyeyaasha Ciidamada oo xalay kormeer ku tagay baraha kontoroolada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 15, 2018 –  Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir iyo Saraakiil kale ayaa xalay waxa ay kormeero kedis ah ay ku mareen dhammaan baraha kontarool ee laga soo galo magaaladda Muqdisho iyo qaar ku yaalla gudaha Caasimada.

Kormeerka ayaa waxa uu ka bilowday degaanka Gubadley, waxaana Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta ay mareen goobo ay kamid ahaayeen Shineemo Cabdi waayeel, Ex-Kontarool Balcad, Ceemiska, Carafaad, Qabuuraha Barakaat, Deyniile, Tareedisho, Ex- Kontarool Afgooye iyo Kaxda, kuwaasi oo fadhiyo iyo Baro Kontarool ay u tahay Ciidanka ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac (Keynaan) ayaa Ciidankii ku sugnaa goobihii ay kormeerka ku sameeyeen waxa ay ku boggaadiyeen shaqada adag ee ay hayaan, iyaggoo kula dardaarmay inay dardar geliyaan hawsha Qaranka ay u hayaan.

Kormeerkan oo kedis ahaa ayaa ujeedka laga leeyahay waxa uu ahaa in Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta ay oggaadaan sida dhabta ah ee ay u shaqeynayaan Ciidanka ammaanka iyo haddii ay jirto habacsanaan shaqo.

taliyayaasha-ciidamada-kormeeray-kontrolo-1 taliyayaasha-ciidamada-kormeeray-kontrolo-2 taliyayaasha-ciidamada-kormeeray-kontrolo-3

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment