1290 Views

Dowladda oo War kasoo saartey duqeyn ka dhacdey Shabeellaha Hoose

Dowladda oo War kasoo saartey duqeyn ka dhacdey Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 19, 2020 —Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ,iyada oo kaashaneysa Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka iyo Ciidamada AMISOM ay duqeyn kula beegsadeen agagaarka deegaanka Janaale Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in Shan weerar oo cirka ah lala beegsaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo looga gol lahaa in lagu wiiqo awooda Al-Shabaab intii lagu guda jirey howlgalkii lagu qabtey deegaanka Janaale.

 

Hoos Ka AKhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

 

Weerarradan cirka ah ayaa lagu dilay dhawr xubnood oo Alshabab ah, islamarkaana waxaa lagu wiiqay awoodda Alshabaab kusoo weerari kareen AMISOM iyo Xoogga Dalka. Wadashaqeyntii ka dhaxeysay AMISOM iyo Xoogga Dalka ee duulaankii lagu qabtay Jannaale ayaa muujinaya hufnaanta iyo meelmarka sida ay uga go’antahay ciidamada huwanta caalamiga ee u yimi inay jabiyaan Alshabaab ayaa lagu yiri Warka Dowladda.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo muwaadiniinteeda ay matasho ayaa aad uga mahadcelinaya taageerada ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee kasoo jeeda Ugandha ee lagu xoreeyey dadka Soomaaliyeed magaalada Jannaale.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay u mahadcelinaysaa geesiyadii rag iyo dumarba lahaa ee ciidanka Xoogga Dalka oo runtii muujiyey dadaal dheeri ah duulaankii Jannaale uga saarey Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-qaacida ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka dowladda.

 

Ugu ddambeyn Warka dowlada ayaa lagu soo geba-gabeeyey in Hubin lagu sameeyey weerarradan lagu ogaaday in aysan jirin cid shacab ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay.

 

Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii duqeymo dhinaca cirka ah ay diyaaradaha Mareykanka agagaarka deegaanka Janaale kula beegsadeen dad la sheegay inay ahaayeen Shacab,iyada oo weli dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka aysan ka hadlin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment