390 Views

Ciidamada amaanka oo fashilyay Qarax halis badnaa oo Jowhar Lagu aasay

Ciidamada amaanka oo fashilyay Qarax halis badnaa oo Jowhar Lagu aasay
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 15, 2022

Ciidamada Amaanka Magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax nooca miinada ah oo xalay la soo dhigay qeybo ka mid ah Xaafada Horseed ee magaalada Jowhar.

Dadkii deganaa Xaafadaha ka agdhow halka qaraxa la soo dhigay ayaa xalay qaarkood ka qaxay guryahooda ka dib markii ay ka cabsadeen in uu saameeyo qaraxaasi.

Laamaha Amaanka Jowhar ayaana la filaa in sacadaaha soo socda ay qarxiyaan miinadaasi si dhibaato aysan ugu geysan dadka shacabka ah.

Maalmihii udambreyay waxaa magaalada Jowhar oo ah caasimada Hirshabelle ku soo badanaayay qaraxyada miinada iyo kuwo ismiidaminta ah kuwaasi oo geysta qarsaaro kala duwan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post