876 Views

Wax ka ogoow shaqsiyada Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka banaadir Jeneraal Saadaq Joon

Wax ka ogoow shaqsiyada Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka banaadir Jeneraal Saadaq Joon
____________________________________________________________________________

April 12-4-2021

 Saadaq Joon, oo ahaa taliyihii Booliska ee gobolka Banaadir ayaa maanta xilka laga qaaday, kaddib markii uu soo saaray amar uu ku sheegayo in uu is hortaagay oo hakiyey kulankii baarlamaanka ee maanta.

Hadalka Saadiq ayaa ku soo beegmayey xilli maanta baarlamaanka Soomaaliya u ballansanaa kulan ajendihiisu ahaa doorashada. baarlamaanka yaa gelinkii dambe ee maanta ansixiyay muddo kodhin muran abdan dhalisay oo 2 sano ah.

Isaga oo xilligaas faray xildhibaannada Baaralamaanka inay doorasho u aadaan deegamadoodi, oo ay qalalaase u horseedin dalka.

Isla sida oo kale waxa uu farriin u diray maanta raysalwasaaraha oo uu sheegay in masuuliyiddiisa iyo doorkiisa raysalwasaarennimo guto.

Waa kuma Saadaq Joon

Saadaq Joon, oo magaciisa oo saddexan yahay Saadaq Cumar Xasan ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed ee dalka Itoobbiya. Saadaq ayaa la sheegaa in uu horraantii 1993 uu usoo wareegay Muqdisho, isaga markii danbena 2002 ugasii gudbay dalka Kenya kaddibna dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ka sii aaday London. Waxaana uu dalka dib ugusoo noqday sannadkii 2014.

Markii uu dalka dib ugusoo laabtay waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA ee Galmudug, sida oo kalena sannadkii 2017-kii loo magacaabay taliyaha nabadsugiddaiyo sirdoonka qaranka ee gobolka Banaadir.

Taliyihii hore ee haayadda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, oo ay soo wada shaqeeyeen muddo dheer Saadaq Joon ayaa ku qeexay in uu yahay nin hawl kar ah, oo shaqadiisa sida ugu habboon uga soo baxa.

“Waa nin aaan saaxiib ahayn oo aan si dhaw usoo wada shaqaynay laga soo bilaabo London, tan iyo intii aan madaxda u ahaa. Waa nin aan u xushay geesinnimo, hawlkarnimo, hawsha aad u dirtana ka soo dhalaali kara. Waa nin madaxda ka sarraysana daacad u ah shaqada aad u dirtana aan qabyaynaynin, go’aan qaadashadiisuna fiicnayd”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawr jeer Warbaahinta ka weeraray Saadaq Joon, waxaana xusid mudan in muddo ka hor uu Dowladda Turkiga ku dhaliilay laba wajiilenimo, ka dib markii ay billad sharaf guddoonsiiyay Saadaq John, oo uu ku eedeeyay gacan ku dhiigle dilay shan ka mida ilaaladiisa, xilligaas oo la weeraray hoygiisa.

Saadaq ayaa lagu beddelay taliyihii ciidanka Harimacad, Farxaan Qaroole oo noqonaya Taliyaha cusub ee ciidanka booliska ee gobolka Banaadir.

Maxay ahaayeen farriimaha uu diray maanta ee galaaftay.

Farriinta Booliska

Taliyaha xilka laga qaaday, Saadaq ayaa sheegay in masuuliyadda booliska ay tahay in ay nabadgelyada sugaan.

“Booliska Soomaaliyeed waxaa saaraan masuuliyad, khaasatan midka gobolka banaadir waxaa saaran masulliyad ka weyn mid shakhsi – oo ah mid ciidan oo u baahan in aan xallinno wax kasta oo nabadgelyo darro u keenaya gobolkaan”, ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: “Sidaa darteed maanta, ma doonayno in qalalaase ka dhaco magaalada Muqdisho ama gobolka Banaadir. Ma doonayno in dib dambe uu u soo laabto dagaal iyo aragti kala duwanaansho xabbad wadata oo aan u qalmin in ay qaranka Soomaaliyeed dib ugu soo laabato.”

Farriinta Xildhibaannada

Saadaq ayaa xildhibaannada faray in ay xasaanad sax ah raadsadaan oo ku noqdaan degaannadoodii. Isaga oo sheegay in aysan qayb ka noqon in qalalaase uu dalku galo.

“Waxaanu u hakinay kullanka in loo baahanyahay in wax boob ahi aanu dhicin oo is fahan siyaasadeed la gaadho”.

“Baarlamaanka Soomaaliya na waxaan leeyahay afar sanno ayaad joogteen. Waa la idin soo doortay, doorasho na dib ugu laabta. Dadkii idiin soo doortay kalsooni dib u soo weydiista.”

“Kadib imaada idinka oo xalaal ah. Shan iyo toban bilood oo la korodhsado oo dib inoo dhiga 15 sannadood ma doonayno, waxaa loo baahn yahay in masuuliyada wadareed la qaato”, ayuu yiri.

Farriinta Raysal Wasaaraha

Raysalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka mid ahaa dadkii sida gaarka uu farriinta ugu diray Saadaq Joon. Isaga oo faray in uu guto masuuliyaddiisa raysalwasaarennimo.

“Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka codsanayaa ama u sheegayaa in wadanka mas’uuliyadiisa uu qaato, dadka is diidan oo wax kala xoogaya haku celiyo teendhada, shirkii ayaa furan, nabad ayaa furan, waxaan u baahannahay siyaasad mideysan.”

“Siyaasiyiin haddaa tihiin in aad dantiina danta qaranka ka hormarisaan, looma baahna in aad hub isu uruursataan, haddaydaan caqli hayna, awoodda ciidanka iska leh.”

“Doorasho ayaa loo baahan yahay. Mudane raysalwasaare masuuliyaddaada qaado. Uma baahna in aad meel fadhiisato oo wax lagu meeriyo. adigu waa in aad wax meerisaa,” ayuu yiri.

Saadaq ayaa sida oo kale sheegay in uu jawaabta ka sugayo Ra’iisul Wasaaraha oo keli ah ee aanu cid kale ka sugaynin.

Farriinta wasiir Dubbe

Ugu danbeyn farriinta u danbaysa wuxuu u diray Wasiir Cismaan Abokor Dubbe, oo ah wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya.

Wuxuu yiri: “Wasiir Dubbe dadkaaga waxaan ku leeyahay dadkaaga dhinac ka raac, wax dambe oo laguu soo dhiibay ha akhriyin. Waxaad akhridaa wixii dalka dan ugu jirto, waxaad samaysaa wixii dalka dan ugu jirto.”

BBC

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post