1470 Views

Xujeydii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sacuudiga

Xujeydii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 01- 2018–Xujeydii ugu horeysay oo ka dhooftay Garoonka Diyaradaha magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxa ay gaareen magaalada Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga.

Xujeydan oo tiro ahaan gaaraya 70 qof ayaa waxaa qaaday Diyaarada Ocean Airlines oo ka mid ah diyaaradaha daabulaya Xujeyda ee sanadkan ku soo biiray.

Xujeyda ayaa waxaa dalka Sacuudiga ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la dejiyay goobihii loogu tala galay.

Maalmahan soo socda ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay ka dhoofaan Xujey Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo gudanaya acmaasha xajka.

Muddo ku dhaw Laba bil ayaa waxa taagnaa isqab qabsi dhinaca Xajka, balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay inay xaliso khilaafkii jiray ee ku aadanaa dhinaca duulimaadyada.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment