702 Views

Maamulka HirShabelle oo qaadan Mudo Bilooyin ah wax mushaar ah

Maamulka  HirShabelle oo qaadan Mudo Bilooyin ah wax mushaar ah
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya b in muddo 10 bilood ah aysan wax mushaar ama gunno ah qaadan wasiirada xil gaarsiinta ah ee maamulka HirShabelle , baarlamankana cusubna aysan qaadan muddo laba bilood ah.


Xubnahaan wasiirada ah lacag u soo dhacdo waxaa ugu dambeysay 23-kii bishii 6-aad ee sanadkii hore waxaana kadib aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen.
Muddo intaan la eg wali mushaar kama maqnaanin Golaha wasiirada HirShabeelle waxaana suurtagal ah in aysan ka soo dhax muuqan wasiirada cusub oo ay isugu sii darsanto mushaarkii oo ka maqan, deymo tiro badan oo lagu leeyahay iyo shaqo la’aan ku dhacdo.


sidoo kale Musuq maasuq xoog leh ayaa laga soo sheegayaa in uu ka jiro maamulkaas muddada uu dhisan yahay oo ku dhow 5-sano. Hogaanka cusub ee HirShabeelle ayaa ka kaban la’ dhibaatooyin badan oo degaanka hareeyay, oo maamulka horey u haystay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post