2445 Views

Madaxweyne Waare Oo kormeeray Mashaariic ka socota Warsheekh

Madaxweyne Waare  Oo kormeeray Mashaariic ka socota Warsheekh
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 21, 2018 Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shalay gaaray Magaalada Warsheekh ee Gobolka Sh/hoose ayaa kormeeray goobo ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo laga hirgelinaayo Degmadaasi.

Dr. Maxamed Cabdi Waare, ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe),wasiirka arrimaha gudaha iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Hirshabeelle ayaa u kuur galay xaaladda amni, mida bulsho iyo sida ay u socdaan mashaariic laga hirgalinayo Degmada Warsheekh

Mashruuca Korontada ku shaqeysa Cadceedda ee (Solar System) oo heer gaba gaba ah maraya ayaa ka mid ah goobihii ay masuuliyiintu soo booqdeen, kaasoo Degmada siin doono Koronto ku filan, sida uu madaxda u sheegay Guddoomiyaha Warsheekh Mudane  Axmed Xuseen Axmed (Shiidka.

Guddoomiyaha Warsheekh ayaa sheegay in mashruucani uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo Dalka, iyadoo ay fulisay Hey’adda SSF , taasoo uu barbar socdo mashruuc kale oo ah qodista Ceelka Riigga oo hadda ay howshiisu socoto.

Madaxweynaha ayaa booqday xarunta ay ka socotay shaqada Korontada ku shaqeysa Cadceeda ee Solar System, waxaana Madaxweynaha howl wadeenada ka shaqeynayay xaruntaasi oo isugu jiray Ajaanib iyo Soomaali ka dhageystay halka ay howsho marayso.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahadceliyay maamulka Degmada, wuxuuna ku bogaadiyay Shacabka Warsheekh sida ay umuujiyeen isku duubnida iyo wada jirka, iyagoo ku dedaalaya sidii ay u horumarin lahaayeen Degmadooda.

Wafdiga ayaa sidoo kale dalxiis iyo booqasho ku tagay Xeebta Degmada Warsheekh,taas oo Maalmahaan ay aad ugu soo dalxiis tagayeen Dad aad u fara badan kuwaasi oo ka kala imaanayay qaar ka mida Gobollada Dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha Iyo Mas’uuliyiinta kale ee  la socotay ayaa kormeeray Isbitaalka Degmada, isagoo Madaxweynuhu uu warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka, waxaana uu sheegay Mudane Waare in baahiyaha jira sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono.

q1 q2

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment