1035 Views

Kheyre oo ka digay in siyaasad laga dhex raadiyo dhismaha Galmudug

Kheyre oo ka digay in siyaasad laga dhex raadiyo dhismaha Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 06, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay jiraan dad ku fikiraya waxaa ay ka heli karaan dhismaha Galmudug,hayeeshee kuwaas looga baahan yahay inay ka fikiraan mustaqbalka dadka reer Galmudug.

 

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadka ku howlan dhismaha Galmudug sida ay u dhaqmaan inay ku xiran tahay Mustaqbalka dadka ay matalayaan,waxaana uu ugu baaqay Odayaasha & Waxgaradka deegaannada Galmudug inay noqdaan kuwo isku dulqaata.

 

Isaga oo hadal ka jeedinayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayuu sheegay in shirkaan uu gogol xar u noqon doono hay’adaihii kala duwanaa uu lahaa Maamulka Galmudug lana doonayo in la sii xoojiyo.

 

Hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan Siyaasiyiin farabadan oo doonaya inay ku loo lamaan doorashada Galmudug,kuwaas oo haatan bilaabay ololohooda musharaxnimo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment