1071 Views

Ciidamada Nabad Sugidda oo soo saaray miinooyin ay argagixisada ku dhibaateyn rabeen shacabka

Ciidamada Nabad Sugidda oo soo saaray miinooyin ay argagixisada ku dhibaateyn rabeen shacabka
____________________________________________________________________________

Sabti: November 13, 2021

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal balaaran ka fuliyay gudaha iyo nawaaxiga Degmada Deyniile, gaar ahaan Oodweyne oo Argagixisada Al-Shabaab ku aaseen Miinooyin ku guulaystay in ay ka soo saaraan, si shacabka looga badbaadiyo dhagarta ay maleegayaan argagixisada.

Ciidamada Duufaan ee NISA waxay aad ugu mahadcelinayaan dadka deegaanka oo lasoo xiriiray laamaha Sirdoonka Caasimadda, kuna soo wargaliyey Miinadan ay maleeshiyada Al-Shabaab dhulka ku duugeen.

Ciidamada Ammaanka ayaa inta badan fashiliya dhagarta ay shacabka u maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Xigasho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post