726 Views

Hoggaamiyaha mayalka adag ee Israel oo sheegay inuu ku biiri doono dowlad wadaag ah

Hoggaamiyaha mayalka adag ee Israel  oo   sheegay inuu ku biiri doono dowlad wadaag  ah
____________________________________________________________________________

June 1/2021

Hoggaamiyaha mayalka adag ee Israel, Naftali Bennett ayaa  sheegay inuu ku biiri doono dowlad wadaag suurta-gal ah oo soo afjari karta xukunka ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa Israel Benjamin Netanyahu.

Sharci-dejiyayaasha kasoo horjeeda hoggaamiyaha garabka midig ee Netanyahu ayaa waxaa u socda wada-hadallo xooggan kahor waqtiga kama dambeysta ah ee Arbacada, oo ay tahay in dowlad cusub lasoo dhiso.

Netanyahu oo ah 71 jir, islamarkaana wajahaya maxkamadeyn la xiriirta qiyaameyn, laaluush, iyo burinta kalsoonida dadweynaha, kuwaaas oo uu beeniyey, ayaa xukunka si haystay muddo ay Israel ku jirtay qalalaase siyaasadeed oo dhaliyey in afar doorasho ay dhacaan laba sano gudahood.

Doorashadii dhacday March ayaa xisbiga Netanyahu ee Likud wuxuu ku helay kuraasta ugu badan, hase yeeshee ma gaarin tiradii loo baahnaa ee uu dowlad kusoo dhisi karo.

Hoggaamiyaha mucaaradka, iyo weriyihii hore ee Taleefishin ee Yair Lapid ayaa hadda haysta illaa habeenka Arbacada, si uu dowlad usoo dhiso.

Lapid oo 57 jir ah ayaa raadinaya isbaheysi ka kooban dhinacyo badan oo uu bixiyey “isbaheysiga isbeddelka,” kaasi oo ay ku jiri doonaan Bennet iyo sharci-dejiyayaasha Carabta Israel.

Si uu ugu guuleysto qorshihiisa ah inuu xukunka ka tuuro Netanyahu, ayaa Lapid wuxuu yaboohay in awoodda la wadaago, ayada oo Bennet oo 49 jir ah uu labada sano ee hore uu noqon doono ra’iisul wasaare, isagana uu ku xigi doono labada sano ee xigta.

Kadib kulan uu la qaatay xubnaha xisbi diimeedkiisa waddaniyiinta ah ee Yamina Party, ayaa Bennet wuxuu yiri “waxaan sameyn doonaa wx kasta oo aan dowlad wadaag ah kula soo dhisayo saaxiibkey Yair Lapid.”

Xisbiyada ay kala hoggaamiyaan Lapid iyo Bennet ayaa habeenkii Axaddii billaabay wada-hadallo rasmi ah oo ay kusoo dhameystirayaan heshiiska, sida ay ku sheegeen bayaan.

Netanyahu oo Israel xukumayey 12 sano oo xiriir ah, ayaa qorshahan ugu yeeray mid “halis ku ah ammaanka Israel.”

Lapid ayaa u baahan 61 xildhibaan, oo ka mid ah 120-ka xildhibaan ee baarlamanka Knesset, si dowlad usoo dhiso.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post