1440 Views

Tirada Sanadihii Ugu Dambeeyay Ku Dhimatay Badde Dhexe Ee Mediterranean-Ka Oo La Shaaciyay

Tirada Sanadihii Ugu Dambeeyay Ku Dhimatay Badde Dhexe Ee Mediterranean-Ka Oo La Shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 28, 2018 –Warbixin uu shalay oo Khamiis ahayd soo saaray Guddiga gargaarka Qaxootiga Dalka Spain ee CEAR loo soo gaabiyo ayaa lagu sheegay in tan iyo markii ay billoowdeen safarrada sharci darrada ah Sanadkan oo keliya ay Badda dhexe (Mediterranean Sea) ku dhinteen 2,241, Qof oo tahriibayaal ah.

Guddiga lagu Magacaabo CEAR, ayaa sheegay  in tirada Dadka musaafuriinta aan sharciga ahayn ee ku dhintay Badda dhexe ee Mediterranean-ka ay aad u sareeyeen Sanadka 2018 , waloow ay kasii badan yihiin intii ku Naf weyday Sanadihii hore.

2,241 Qof ayaa tan iyo 2015-kii ku dhimatay (Mediterranean Sea) Badde dhexe, sida ay war-bixintu sheegtay.

Ku dhowaad, 56,480 Qof ayaa gaaray Xeebaha Dalka Spain, halka Sanadkan 2018-ka oo qura ay 769, oo musaafuriin aan sharci ahay ay ku geeriyoodeen Badda, waa dhimashadii ugu sarreysay tan iyo markii uu Dalkaasi Spain noqday marinka ugu badan ee ay Tahriibayaasha Afrika ka galaan Waddamada Yurub.

Guddiga ayaa sheegay in qul-qulka tahriibta aan lagu xallin Karin wada hadallada Dowladaha ay ka yeeshaan, loona baahn yahay si kale loo wajaho, wuxuuna Gudigu kula taliyay madaxda Yurub in ay joojiyaan caqabadaha ka dhanka ah Qaxootiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment