276 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland oo kormeer iyo indho indheen ku yimi xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh  iyo Madaxweynaha  Puntland oo  kormeer iyo indho indheen ku yimi xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Puntland.
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 28, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Somalia mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer iyo indho indheen ku yimi xarunta dhexe ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynayaasha waxaa xarunta kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdirsaaq Axmed Siciid iyo Xubnaha sare ee Guddiga waxa ayna warbixin ka siiyeen halka ay marinayaan Geeddi socodka Hanaanka Axsaabta badan ee Puntland, sidoo kale waxa ay tuseen qaybta kaydka xogta (Data center) iyo qaybta diiwaangalinta codbixiyaha (Voter Rigestration) oo uu diyaar kuyahay qalabka casriga ah ee Diiwaangalinta Codbixiyayaasha waxa ayna ugu warameen habka uu u shaqeeyo.

Ugu danbeyn Madaxweynayaashu waxay Guddiga uga mahadceliyeeen shaqada culus ee ay Dalka u hayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post