531 Views

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday oo kulan gaar ah la qaadan doona Xoghayaha Qaramada Midoobay

Madaxweynaha  Waqtigiisa dhamaaday oo  kulan gaar ah la qaadan doona  Xoghayaha Qaramada Midoobay
____________________________________________________________________________

Sabti: September 11, 2021

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineyso ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amina J Maxamed ayaa maanta oo Axad ah gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow xarunta Madaxtooyada kulan gaar ah kulan qaadan doona ku-xigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Amina J. Mohammed iyo wafdiga booqashada ku wehlinayo.

Kulanka madaxweynaha iyo Aamina ayaa waxa la sheegay in looga wada hadli doono arrimaha ay ka midka yihiin horumarinta bulshada (SDG), dhammeystirka doorashooyinka iyo awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka.

Booqashada wafdiga Qaramada Midoobay ayaa ku soo aadaysa xilli uu khilaaf ka dhex aloosanyahay madaxda sare ee Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post