993 Views

Shirka Wasiirada Warfaafinta oo War-Saxaafadeed laga soo saaray

Shirka Wasiirada Warfaafinta oo War-Saxaafadeed laga soo saaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 19, 2019 —Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Soomaaliya, ayaa shir wada-tashi ah ku yeeshay magaallada Muqdisho kaas oo looga hadlay iskaashiga labada heer ee wasaaradaha gaar ahaan dhanka wacyigelinta.

 

Shirka, waxaa ka qeyb galaya wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Cali Xasan Axmed,Warfaafinta Koofur-Galbeed Mudane Ugaas Xasan Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan, Wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Mudane Cabdiwali Maxamed Cabdi, Masuuliyiinka socota Jubbaland, Agaasimeyaasha guud, madaxda warbaahinta dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed CabdiXayir Maareeye ,oo shirka furay ayaa sheegay in shirkani uu qeyb ka yahay shirar wada-tashi ah, oo aywasaaraduhu si joogto ah u yeelan jireen.

 

Wasiirraada iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad-goboleedyada, ayaa shirka si gaar ah diiradda ugu saaray horumarinta Wasaaradaha iyo hay’adaha Warbaahinta ee heerarka kala duwan ee Qaranka,iyadoo la wadaagayo khibradaha iyo kheyraadka la heli karo.

 

Waxyaabaha shirkan lagu lafo guray, waxaa kaloo ka mid ah mideynta dadaalada hirgelinta wacyigelinta la xiriirta arrimaha Xagjirnimada, Argagixisada, Dowlad-wanaagga, Doorashooyinka, Dhamaystirka Dastuurka iyo arrimaha bulshada, iyadoo la raacayo Istiraatiijiyadda Qaran ee Wacyigelinta, oo ay wasaaraduhu ansixiyeen sanadkii 2018-ka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment