654 Views

Xaaska madaxwaynihii hore ee Haiti oo ka sheekeysay qaabkii loo dilay Seygeeda

Xaaska madaxwaynihii hore ee Haiti oo ka sheekeysay qaabkii loo dilay Seygeeda
____________________________________________________________________________

Axad: July 11, 2021

Haweeneyda dhaawaca ah ee ahayd xaaska madaxweynihii Haiti ayaa ka sheekeysay qaabkii ay seygeeda “rasaas” ugu fureen rag hubeysan oo soo weeraray ka dib markii ay ugu soo dhaceen gurigi ay deganaayeen.

Martine Moïse waxay sheegtay in weerarku uu u dhacay si deg deg ah, seygeeda Jovenel – na uu awoodi waayey inuu xitaa “hal eray yiraahdo”.

Madaxweyne Moïse waxaa la dilay 7 julay, iyadoo dilkiisa lagu eedeeyay 28 calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah.

Mrs Moïse ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarka, islamarkana waxaa loo duuliyay Miami si loogu soo daweeyo.

Sabtidii, waxay farriin cod ah soo dhigtay boggeeda Twitter-ka iyada oo ku dhaaraneysa inay sii wadi doono shaqadii uu waday. Tiro dad ah ayaa xaqiijiyay in codkaasi uu yahay midka marwada madaxweynaha.

“muddo ilbiriqsi ah, ayay calooshood u shaqeystayaal gurigeyga soo galeen, waxayna ninkayga ku rideen rasaas,” ayay ku tiri Mrs Moïse codka ay so duubtay, iyada oo ka sheekeyneysa xilligii kuwa weerarka soo qaaday ay dileen ninkeeda

“Ficilkani ma lahan magac sababtoo ah waa inaad noqotaa dambiile aan xad lahayn marka aad dilayso madaxweyne sida Jovenel Moïse, adigoon xitaa fursad u siinin inuu hal eray dhaho,” ayay sii raacisay.

Waxay soo sheegtay in ninkeeda loo bartilmaameedsaday sababo siyaasadeed awgood – gaar ahaan, iyadoo xustay afti loo qaado isbeddelka dastuurka ay siin laheyd madaxweynaha awood dheeri ah.

Dadka aan la magacaabin, ayay tiri, “waxay doonayaan inay dilaan riyada madaxweynaha”.

“Waan ooyayaa, waa run, laakiin ma oggolaan karno in waddanku ka lumo waddadii uu hayay,” ayay raacisay. “Ma ogolaan karno in dhiiga Madaxweynaha Jovenel Moïse, ninkeyga,

madaxweynaheena aan aadka u ujecleyn oo isna na jeclaa, uu u daato wax aan micno lahayn.”

Mr Moïse, oo 53 jir ah, wuxuu uu ahaa madaxweynaha dalka Haiti, oo ah wadanka ugu saboolsan Ameerika, ilaa 2017.

Waqtigii uu xafiiska hayay wuxuu uu ahaa mid aad u xun waxaa uuna loo jeediyay eedeymo musuqmaasuq waxaana jiray banaanbaxyo baahsan oo ka dhacay caasimada iyo magaalooyin kale horaantii sanadkan.

Doorashooyinka baarlamaanka waxay ahayd in la qabto Oktoobar 2019 laakiin khilaafaadka ayaa dib u dhigay, taas oo macnaheedu tahay in Mr Moïse uu ku xukumayay dalkaasi digreeto.

Wuxuu qorsheynayay in bisha September afti loo qaado isbeddel la soo jeediyay in lagu sameeyo dastuurka dalkaasi

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post