309 Views

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan xog-wareysi ah la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan xog-wareysi ah la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada
____________________________________________________________________________

Axad: October 9, 2022

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Fardawso Cismaan Cigaal oo howlo shaqo u joogto dalka Canada ayaa kulan xog-wareysi ah la qaadatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas , gaar ahaan Montreal , Ottawa iyo Toronto.

Wasiirka ayaa sheegtay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ay udub-dhexaad u yihiin dadaallada Dib u dhis ee dalkeenna, waxaana sdioo kale, wasiirka jaaliyadda ay wadaageen xoojinta doorkooda taageerro ee Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed oo wajahaya saameynta abaarta, isbeddelada cilimada , dib u xorreynta iyo xasillinta dalka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Gaddiidka iyo Duulista hawada Fardawso Cismaan Cigaal ayaa uga mahadcelisay hoggaanka jaaliyadda, waxgaradka, aqoonyahanka,haweenka , Dhallinyarada iyo qeybaha kale ee Bulshada soo dhoweynta wanaagsan ay u sameeyeen iyo dhiiri-gelinta dib-u-dhiska dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post