756 Views

Dacwad oogeyaasha dalka Faransiiska oo sii daayay nin u dhashay Sacuudiga oo loo xiray eedeymo la xiriira dilkii Jamaal Khaashuqji

Dacwad oogeyaasha dalka Faransiiska oo  sii daayay nin u dhashay Sacuudiga oo loo xiray eedeymo la xiriira dilkii Jamaal Khaashuqji
____________________________________________________________________________


Khamiis: December 9, 2021

Dacwad oogeyaasha dalka Faransiiska ayaa sii daayay nin u dhashay Sacuudiga oo loo xiray eedeymo la xiriira dilkii Jamaal Khaashuqji kaddib markii lasoo gabogabeeyay baaritaan lagu hayay oo lagu ogaaday in lagu khaldamay.

Khaled Alotaibi, oo 33 jir ah ayaa maalintii Talaadada lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Paris, iyadoo loo adeegsanayay amar xiritaan oo kasoo baxay dowladda Turkiga.

Mid ka mid ah ilaalada boqortooyada Sacuudiga oo isla magacaas leh, da’diisuna ay la mid tahay sidaas ayaa lagu daray liiska shakhsiyaadka cunaqabateynta la saaray ee Mareykanka, isagoo loo heysto dilkii 2018-kii wariyaha loogu geystay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, Turkiga.

Khaashuqji, oo ahaa wariye saldhiggiisu yahay Mareykanka, ayaa dhaleeceyn jiray dowladda Sacuudiga.

Dacwad oogeyaasha Sacuudiga ayaa sheegay in lagu “howlgal aan amar lagu qaadanin” oo ay fuliyeen koox loo diray inay kasoo dhaadhiciyaan sidii uu dib ugu soo laaban lahaa Sacuudiga.

Hase yeeshee baareyaasha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Khaashuqji uu ahaa “dhibane si ulakac ah loo dilay” dilkiisuna uu ahaa mid amar lagu soo bixiyay”, waxayna sheegeen in caddeymo ku filan loo helay in saraakiil sar sare oo Sacuudi ah, oo uu ku jiro dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed bin Salmaan, ay ku lug lahaayeen dilkiisa. Dhaxal sugaha ayaase beeniyay inuu door ku lahaa falkaas.

Booliska Faransiiska ayaa Talaadadii sheegay in muwaadin u dhashay Sacuudiga oo wata baasaboor uu ku qoran yahay magaca Khaled Aedh Alotaibi lagu xiray garoonka Charles de Gaulle ee magaalada Paris, xili uu doonayay inuu raaco diyaarad u socotay magaalada Riyaad.

Qalabka ayaa qeylo dhaan sameeyay markii baasaboorkiisa la marinayay baaritaanka korontada ku shaqeeya maadaama ay xogtiisa la mid noqotay mid kale oo laga diiwaangeliyay garoonka diyaaradaha.

Booliska adduunka ee loo yaqaanno Interpol ayaa kusoo xiray warqado fasax ah oo ay soo saartay Ankara.

Marka laga soo tago magaca, ninkan waxa uu goobta dhalashada iyo bisha dhalashada la wadaagayay ninka la raadinayay, sida ay booliska sheegeen. Waxaa xitaa jiray isku ekaansho la isugu soo qabanayo labada nin.

Balse maanta oo Arbaco ah, madaxa dacwad oogista ayaa ku dhawaaqay: “xaqiijin qota dheer kaddib waxaan go’aansannay in qofka la xiray uusan ahayn kii la raadinayay ee warqadaha lagu soo xirayo la hayay.”

Safaaradda Sacuudiga ee magaalada Paris ayaa habeennimadii Talaadada ku adkeysatay in ninkan “uusan wax lug ah ku lahayn kiiska laga hadlayo” waxayna dalbatay in si deg deg ah loo sii daayo.

Sucuudiga ayaa dilka weriye Jamaal Khaashoqji ku eedeeyey [kuwo] fuliyey “hawlgal qaldan oo aanay amar u haysan” , hadalkaas oo ah mid dhan kale ka eegaya dhacdo dunida oo dhami ka qaylisay.

Wasiirka arimaha dibada, Caadil Al-Jubayr, ayaa u sheegay telefishanka Fox News in “dilku” ahaa “khalad weyn” waxaanu beeniyey in dhaxal sugaha taajka boqortooyada ee awoodda badani amray.

Khaashoqji waxa markii ugu dambaysay isagoo nool la arkay markii uu galayey qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xukuumadda Sucuudigu waxay markii hore sheegtay in uu qunsuliyada ka baxay 2 Oktoobar, laakiin Jimcihii ayay markii ugu horaysay qirtay in uu dhintay, waxaanay sheegtay inuu ku dhintay dagaal gacan ka hadal ah [oo isaga iyo saraakiil wax weydiinaysay dhex maray]. Hase yeeshee arintaa waxay kala kulantay dhaleecayn weyn.

Saraakiisha Turkiga ayaa se rumaysan in Khaashoqji oo ahaa nin ku cadcad dhaliisha xukuumadda Sucuudiga ay koox ka tirsan sirdoonka Sucuudigu ku dhex dishay dhismaha qunsuliyadda waxaanay sheegeen in ay hayaan caddaymo arintaa muujinaya.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post