450 Views

Mucaaradka Soomaaliland oo ku Dhawaaqay inay Samaysteen Ciidamo Hubaysan

Mucaaradka Soomaaliland oo ku Dhawaaqay inay Samaysteen Ciidamo Hubaysan
____________________________________________________________________________

Isniin: Jun 20 . 2022

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in xukuumadda Muuse Biixi ay ku kaliftay hogaamiyeyaasha mucaaridka inay sameystaan ciidamo hubeysan oo ilaaliya.

Waxa uu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay isku dayday inay khaarajiso hogaanka mucaaridka, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Waddani, halka qaarkood ay xiran yihiin kadib markii ay ka qeyb-galeen mudaharaad looga soo horjeedo xukuumadda.

“Waxa uu keenay (Muuse Biixi) in uu sharci sameysto, sharci odhanaya anigu waa joogaya asxaabtana waa baabinaya, meel ay ku taallo ururo toos ah oo la furayo majirto. Waa aragteen in uu dad kiciyay oo magacyo la baxay oo ayaga aan sharci haysan ololeynaya,” ayuu yiri.

“Muuse Biixi waxa uu keenay in uu isku dayo in mucaaridka xabad la dhaco oo musharaxii xisbiga Waddani iyo ilaaladiisa in uu labo gaadhi mariyo, wuxuu keenay in ciidamadii kala saaro.”

Sidoo kale waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestan dhaqamada guracan ee ay wadaan madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin.

“Dhaqamadaas waxay keeneyn in uu ku dhaco is-difaac, oo halka yimaada dad hubeysan oo difaacaya asxaabta ayaa jooga. Dadka uu leeyahay waa beelo ee way difaacayaan waa muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka xanaaqay ficilka uu sameeyay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in guddiyadii isku xil-qaamay dhex-dhexaadinta xiisada kala dhaxeysa xukuumadda uu albaabada ka xirtay madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo uga sii dareysa xiisada siyaasadeed ee taagan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post