930 Views

safiirka Itoobiya Q. Midoobay oo sheegay Ciidamada Eritrea ee jooga Gobolka Tigray ka baxayaan

safiirka Itoobiya  Q. Midoobay oo sheegay Ciidamada Eritrea ee  jooga  Gobolka Tigray   ka  baxayaan
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Ciidamada Eritrea kuwaasoo ka dagaalamayey gobolka Tigraay ee waqooyiga Itobiya, ayaa dhawaan deg deg halkaasi ugga baxaya, sida u sheegay safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Taye Atske Sellasie Made, oo ah safiirka ayaa sheegay in arrintan haatan ay gacanta ku hayaan, qaabkii iyo hannaankii ay ku bixi lahaayeen ciidamadana la diyaariyey.

Safiirka ayaa intaa raaciyey in arrintani ay dowladda Itoobiya ka go’a tahay fulinteeda, dowladda Eritrea-yana loo cadeeyey.

Toddobaadkii hore, Madaxa arrimaha bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in abaari ka jirto waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa in muda ah iska diidaneyd in waqooyiga dalkeeda ay ka jirto macluul iyo abaar.

Kumanaan dad ah ayaa lagu diley dagaalka ka dhacey gobolka Tigraay, halka 1.7 milyan dad gaarayana ay ka barakaceen guryahooda.

Dagaalkan ayaa ka socda toddobo bilood gobolka Tigreega, ayaa waxa kulug leh ciidamada Eritrea, kuwaasoo lagu eedeeyey iney geysteen tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, sida kufsi iyo dil aan sharciga loo marin

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post