534 Views

Deni oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne

Deni oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaah Deni, ayaa ku dhawaaqey inuu u sharaxan yahay Jagada Madaxweynaha Soomaalia ee Afarta Sanno ee soo socota.

Qoraal uu boggiisa Facebooga ku daabacay Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland, Jaamac Dabaraani ayuu ku shaaciyay in Deni uu tartami doono Doorashada Madaxtinimo ee soo socota.

“Madaxweyne Deni wuxuu u taaganyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waa hoggaamiye samata bixin kara dalkeena. Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan” ayuu yiri Dabaraani.

Saciid Deni waxaa uu xilal dhowr ah ka soo qabtay Xukumadihii dalka soo maray, isaga oo noqday wasiirka qorsheynta ee dowladdii Xassan sheikh iyo xildhibaan dowladda federaalka sannadkii 2012-kii.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post