1638 Views

Japan oo ku tilmaamtay wax laga caroodo gantaallo cusub oo ay Kuuriyada Waqooqi u ridday dhankooda

Japan oo ku tilmaamtay wax laga caroodo gantaallo cusub oo ay Kuuriyada Waqooqi u ridday dhankooda
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 15, 2021

Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal ku riday xeebteeda bari, sida ay xaqiijiyeen militariga Kuuriyada Koonfureed. Japan ayaa sidoo kale dhankeeda ka xaqiijisay.

Rai’isal wasaaraha Japan Yoshihide Suga, ayaa ku tilmaamay gantaaladaan cusub wax laga caroodo isagoo sheegay inay khatar ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka.

Waa tijaabadii labaad ee ay Kuuriyada Woqooyi sameysay isla toddobaadkan.

Si dhab ah looma oga halka gantaalada ballistic -ga ah loo waday ama kala duwanaanshaha gantaalada, balse Madaxa Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in milatarigoodu uu “diyaar buuxa u yahay iskaashi dhow oo lala yeesho Mareykanka”.

Tijaabooyinka gantaalaha ayaa ka hor imanaya xilli Qaramada Midoobay ay wado dadaalo loogu talagalay in lagu xakameeyo hawlaha nukliyeerka ee Waqooyiga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post