1851 Views

Madaxweyne Xaaf oo lafilayo in uu ku dhaawaqo Gole Wasiiro oo cusub

Madaxweyne Xaaf  oo lafilayo in uu ku dhaawaqo  Gole Wasiiro oo cusub
____________________________________________________________________________

Cadaado | QOL | June 17, 2018 – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in Saacaddaha soo socda in uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Gole Wasiiro oo ay kasoo dhex muuqan doonaan Xubno ka tirsan maamulkii Ahlusunna ee Galmudug raacay.

Xaaf ayaa soo gabagabeeyay Wadatashiyo uu maalmihii lasoo dhaafay la sameynaayay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ee kasoo jeedda degaanada Galmudug.

Wasiiro horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ay dib usoo laaban doona, sidda Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda.

Waxaa sidoo kale dhanka Ahlusunna ka imaan doona sidda ay Qaranimo Online u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment