1353 Views

Shaqaalaha Waaxda Duulista Hawada oo dacwad ka gudbiyay Wasiir Oomaar.

Shaqaalaha Waaxda Duulista Hawada oo dacwad ka gudbiyay Wasiir Oomaar.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 17, 2018 –Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Wasiirka Wasaaraddaasi Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar u gudbiyay Hay’adda ICAO ee fadhigeedu yahay Dalka Canada.

Dacwaddan ayaa ka dhalatay heshiiskii Dowladda Soomaaliya ay kula soo wareegtay Maamulka Hawada Soomaaliya iyo nolosha shaqaalaha ka shaqeynaya qeybta duulista Hawada.

Heshiiska Dowladda Federaalka ah iyo ICAO ay wada galeen sanadkii 2016kii ayaa waxaa uu ku saabsanaa shuruudo dhowr ah oo ay ka mid ahayd dhismaha 50 Qol oo ay degaan 50 ka qof ee shaqaalaha qeybta Maamulka Hawada ah,taas oo dowladda Soomaaliya ku qaadatay lacag dhan $1,735,000 (Hal Milyan todoba boqol, soddon iyo shan kun) oo dollar oo lagu shubay Koontada Wasaaradda ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Shaqaalaha ayaa ka cabana 11 qodob oo saameyn taban ku yeelan kara shaqadooda iyo naftooda waxaana ka mid ah; amaanka, Caafimaadka,nadaafadda,heshiiska, Qabyaaladda, siyaasadda, mugga ama qaadka qolalka,shaqaalaha qaar oo uusan ehelkooda joogin Muqdisho, dooqa shaqaalaha iyo xifaaltanka haddii ay ay isku qol noqdaan,dhaqanka, iyo habka isbeddelka 24ka saac ee shaqada.

Cabashada shaqaalaha waxaa ka mid ah in kuwa ka soo jeeda degaannada Maamulka Somaliland ee jooga Garoonka Aadan cadde ay heysato cabsi dhinaca amaanka ah iyo wal walka ka heysta qoysaskooda.

Shaqaalaha qaar ayaa sheegay in la xiray lana handaday sidoo kalena la baabi’iyay heshiiskooda, iyaga oo lagu heysto cabashada ay gudbiyeen waxaana ay dalbanayaan in Nairobi lagu celiyo.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in lagu hayo baahinta warar been abuur ah oo lagu doonayo in lagu difaaco Wasiirka iyagana lagu sumcad xumeeyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment