Muqdisho | Febaraayo 23, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.
Ra’isul wasaaraha xukuumada ayaa waxaa horyaal howlo aad u farabadan waxaana xusid mudan in laga doonaayo fulinta howlaha ugu badan ee DFS.
Howlaha ugu adag ee iminka horyaal Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa waxaa kamid ah:
- Inuu helo taageerada Xildhibaanada labada Gole ee BFS.
- Inuu la yimaado Barnaamij Siyaasadeed waafaqsan midka Madaxweyne Farmaajo.
- Inuu soo dhiso Golihiisa Wasiirada muddo 15 Cisho gudaheeda.
- Inuu is waafajiyo Wasiir waliba iyo Howsha uu khibrada u leeyahay.
- In Golaha Wasiirada uu ka ilaaliyo ku tagri falka Qabiilada ka cawda Cadaalad darida.
- Inuu ka shaqeeyo dib usoo celinta Xiriirka wadamada ku hormaray Dhaqaalaha, Siyaasada, Amniga iyo kan Somalia.
- Ka warqabka xaalada Shacabka Soomaaliyeed iyo in Xukuumadiisa uu ku koontaroolo fulinta waxyaabaha ku xeeran baahiyaha Shacabka.
Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa waxaa looga fadhiyaa meelmarinta dhammaan waxyaabaha ku xasili karo dalka isagoo arrimahaasi kala shaqeyn doono Golaha Wasiirada ee uu soo dhisi doono.
Goobta lagu magacaabay Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyayaasha labada Gole oo iyagu ku qancay Sifaadka uu Madaxweynaha kusoo doortay Ra’isul wasaaraha.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________