555 Views

Gantaalo xoogan oo ku soo dhacaya magaalada Kharkiv

Gantaalo xoogan oo ku soo dhacaya magaalada Kharkiv
____________________________________________________________________________

 Talaado: March 1, 2022

Saraakiisha Gurmadka deg dega ah ee magaalada Kharkiv ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhaawacmeen duqeynta loo geystay xafiiska maamulka gobolka ee magaalada Karkiv.

BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto sheegashooyinkan.

Muuqaal la soo dhigay barta Facebook-ga, ayaa muujinya shaqaale ka tirsan kuwa gargaarka deg-degga ah oo ku sugan bannaanka dhismahaasi oo uu burbur xooggan soo gaaray.

Shaqaalaha gargaarka deg-degga ah ayaa sheegaaya in qeyb ka mid ah dhismo weyn oo uu dhow xafiiska maamulka gobolka ee magaalada Kharkiv uu soo dumay, dad badan ay ku xanibanyihiin burburka hoostiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post