951 Views

Madaxweynaha K/Galbeed oo ku dhawaaqay howlgal wado furis ah

Madaxweynaha K/Galbeed oo ku dhawaaqay howlgal wado furis ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 11, 2019–Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabsi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo Maanta booqasho ku tegay degmada waajid ee gobolka Bakool ayaa halkaasi kaga dhawaaqay howlgal wado furis ah.

 

Isaga oo goob fagaaro ah kula hadlayay Boqolaal Shacab ah ayuu sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka koonfur Galbeed ay bilaabayaan howlgallo lagu furaayo wadooyinka u go’doonsan ururka Al-Shabaab.

 

“Runtii howlgallada waa ay bilaaban doonaan oo ciidamadu waa ay u diyaar garoobeen,waxaana idiin sheegayaa Reer Waajid  safarkeena xiga ee aan Waajid ku imaaneyno Jidka ayaan kusoo safri doonaa kuna laaban doonaa ayuu yiri”Madaxweyne laftagareen.

 

Kulamo kala duwan ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu la qaato Maamulka degmada Waajid iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si uu u dhageyso baahiyaha ay qabaan maadaama dhowr sano degmadaasi ay u go’doon san tahay Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment