1326 Views

Dad ka barakacay Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne

Dad ka barakacay Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October14–2019 —Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in qoysas farabadan ay ka barakaceen fatahaad uu Wabiga Shabeelle saacadihii la soo dhaafay ka sa sameeyeeyey Xaafado ka tirsan Magaaladaas.

 

Wabiga ayaa la sheegay in xilligaan uu yahay mid buux dhaafiyey lagana cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo deegaano kale oo hoostaga Magaalada Baladweyne,isla markaana dadka ay bilaabeen inay ka fogaadaan goobaha ku dhow Wabiga.

 

Xaafadaha uu fatahaada ka sameeyey Wabiga Shabeelle ee Baladweyne mara ayaa waxaa kamid ah Xaafadaha Xaawo-Taako Iyo Kooshin gaar ahaan laamaha Kutinbo Iyo Dhagax Jibis ee Magaalada Baladweyne.

 

Qoysaska barakacay ayaa badankood waxaa ay aadeen deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Baladweyne,waxaana  lagu soo waramayaa inay halkaasi ku heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka Nolosha ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment