1011 Views

Ukraine oo gantaallo looga soo weeraray dhinaca Belarus Gabaldhicii galabta

Ukraine oo gantaallo looga soo weeraray dhinaca Belarus Gabaldhicii galabta
____________________________________________________________________________

Axad: February 27, 2022

Gantaallada nooca loo yaqaanno Iskander oo laga riday Belarus ayaa lagu weeraray Ukraine galinkii dmabe ee maanta, sida uu sheegay la taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ukraine.

Weerarkan ayaa yimid kaddib markii xafiiska madaxweyne Zelensky uu maanta ku dhawaaqay in saraakiil ka kala socda Ukraine iyo Ruushka ay ku kulmayaan xadka ay wadaagaan Ukraine iyo Belarus, si ay u wada hadlaan – inkastoo aysan sheegin waqtiga ay isku imaanayaan.

Anton Herashchenko ayaa muuqaalka soo geliyay bogiisa Facebook.

“Gantaallada Iskander ayaa Ukraine looga soo tuuray dhanka Mozyr,” ayuu soo qoray. “Tani micnaheeda waa in ay geeri keeneen meel… sidaas darteed kani waa nooca xabbad joojinta ee naga dhaxeeya miyaa?”

Bayaan laga soo saaray Ukraine goor sii horreysay ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha Belarus, Alexander Lukashenko, uu “qaaday mas’uuliyadda xaqiijinta in dhammaan diyaaradaha, nooca qumaatiga u kaca iyo gantaallada yaalla gudaha Belarus aysan dhulka ka kicin inta ay ergada reer Ukraine safarka ku jiraan, oo wadahadalku socod iyo inta ay ka laabanayaanba”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post