1113 Views

Tiro Maxaabiis Ah Oo Lagu Dilay Gadood Ka Dhacay Venezuela

Tiro Maxaabiis Ah Oo Lagu Dilay Gadood Ka Dhacay Venezuela
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2019–Ugu yaraan 29 Maxbuus ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay Xabsiga Saldhig Bolis oo ku yaalla Degmadda Akarigu ee W/galbeed ee dalkaasi.

Gadoodka ayaa la sheegay inuu bilowday, xilli ay Maxaabiista doonayeen inay ka baxsadaan Saldhigga oo ay kooxo iska soo horjeeday ku dagaalameen.

Wasaaradda Ammaanka ee dalkaasi waxay sheegtay inay qaar ka mid ah Maxaabiista ku hubeysnaayeen hub iyo bam-gacmeedyo ay adeegsadeen, iyadoo 19 Askari lagu dhaawacay iska horimaadkaasi.

Xabsiga uu gadoodka ka dhacay ayaa la sheegay in lagu xiray tiro ka badan qiyaastii uu qaadi lahaa Xabsiga oo ahayd 250-qof.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment