285 Views

Taalibaan oo soo bandhigtay sawirka qabriga aasaasaha Ururkaasi Mullah Muxamed Cumar.

Taalibaan oo soo bandhigtay sawirka qabriga aasaasaha Ururkaasi Mullah Muxamed Cumar.
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 7, 2022

Ururka Taliban ee dalka Afghanistan ayaa soo bandhigay sawir ay ku sheegeen inuu ahaa qabriga hogaamiyihii aasaasay kooxdaasi Mullah Muxamed Cumar.

Taalibaan ma aysan sheegin halka uu ku yaal qabriga iyada oo aan sawirkana si madax banaan loo xaqiijin karin.

Mullah Cumar ayaa la rumeysan yahay inuu caafimaad darro ugu geeriyooday dalka ay jaarka yihiin ee Pakistan sanadkii 2013-kii.

Taliban ma shaacin dhimashadiisa in ka badan laba sano. Sawirka qabriga Mullah Cumar ayaa la soo bandhigay maalin kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo muujinaya burburka soo gaaray qabriga hogaamiyihii ka soo horjeeday Taliban ee Axmed Shah Massoud oo ku yaala gobolka Panjshir ee waqooyiga dalkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post