474 Views

Ciraaqiga qaxootinnimada ku tagay UK ee wasiirka ka noqday

Ciraaqiga qaxootinnimada ku tagay UK ee wasiirka ka noqday
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 7, 2022

Nadhim Zahawi, wasiirkii hore ee waxbarashada ee xukuumada Boris Johnson, ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee maaliyadda.

Arintan ayaa timid kaddib markii uu iscasilay wasiirkii hore Rishi Sunak, kaas oo xilka ka degay markii uu kalsoonidii kala noqday Johnson.

Zahawi oo 55 jir ah ayaa laga yaabaa in marka uu qabto mid ka mid ah jagooyinka ugu muhiimsan dowladda Ingiriiska ay ku noqoto wax aanu xitaa ku riyoon yaraantiisii.

“Waxay u badan tahay inaan ahaa mid ka mid ah dadka ugu nasiibka badan,” ayuu yiri Sahawi oo ah xildhibaan laga soo doorto Stratford-upon-Avon ee bartamaha England.

Zahawi wuxuu ku dhashay dalka Ciraaq sanadkii 1967. Wuxuu ka mid noqon dadkii lagu qasbay in ay galaan dagaalkii lala galay Iran sanadihii 1980-aadkii.

“Askari baa la iga dhigi lahaa ka mid ah ciidamada Ciraaq ee ka dagaallamayay furimaha hore. Waxaa dhici kari lahayd in halkaa la igu dilo,” ayuu u sheegay saxafiga Nick Robinson mar uu waraysi siinaayay sanadkii hore.

Hase yeeshee, Nadhim iyo waalidkii ayaa ka qaxay Ciraaq, waxayna galeen Ingiriiska halkaas oo uu ku koray. Qoyskiisu aad bay saamayn ugu lahaayeen Ciraaq. Awowgii wuxuu ahaan jiray guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Ciraaq oo wuxuu sixiixiisu ku yaallay lacagta Ciraaq.

Laakiin, markii uu Sadaam Xuseen xukunka qabtay 1979-kii qoyska Sahawi waxay dareemeen khatar.

Nadhim aabbihii oo ahaa nin ganacsade ah ayaa ogaaday in maamulku doonayay inuu xiro, si degdeg ah ayuuna u baxsaday.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post