750 Views

Kheyre: Si aan uga foggaano qalalaase dalkan ka dhaca..waa in dalka ay ka qabsoonto doorasho la isla ogolyahay

Kheyre: Si aan uga foggaano qalalaase dalkan ka dhaca..waa in dalka ay ka qabsoonto doorasho la isla ogolyahay
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shacabka ay walaac ka muujinayaan xaaladda siyaasadeed ee uu haatan dalka haatan marayo xilli ay socdaan howlaha doorashada.

Wuxuu ka digay dhibatooyinka ka dhalan kara haddii lagu heshiin waayo qaabka ay u dhaceyso doorashada.

“Si aan uga foggaano qalalaase dalkan ka dhaca, si dowladnimada aanay gadaal ugu dhicin si ummadda soomaaliyeed aanay u niyad jebin waxaa muhiim ah in dalka ay ka qabsoonto doorasho laisla ogolyahay”

Kheyre wuxuu dhanka kale ka dhawaajiyay in qalalaasaha ka taagan dalal badan loo aaneynayo arrimo doorasho.

“Haddii aan lagu heshiin nidaamka doorasho oo aan lagu wada qanacsanaan, lagu heshiin mayo dowladnimada ka dhalata, sidaas daraadeed ayay muhiim tahay in aan ka baranno taariikhdii lasoo dhaafay iyo tan maanta ka taagan dunida oo ay ugu horreeyaan dalalka deriskeena gaar ahaan Itoobiya oo qalalaasaha hadda ka taagan loo aaneynayo inay salka ku heyso doorasho dib loo dhigay ama lagu heshiin waayay”

Xasan Cali Kheyre oo kamid ah musharraxiinta u tartameyso xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ololahiisa doorashada ka bilaabay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post