669 Views

Taliye Biixi oo sheegay in DFS cafisay dhalinyarada hubeyan ee la Shaqeeya Kenya

Taliye Biixi oo sheegay in DFS cafisay dhalinyarada hubeyan ee la Shaqeeya Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 11, 2021—Taliyaha Ciidanka dhulkaee xoogga dalka Soomaaliyeed janeraal Maxamed Tahliil Biixi oo malmahaan booqasho ku jooga degaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cafisay raga hubeysan sida uu sheegay ee la Shaqeeya dowladda Kenya.

Taliyaha oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa ugu baaqay inay Wiilashooda dib ugu soo celiyaan Beled-Xaawo, isla markaana dowladda Soomaaliya ay cafisay.

“ Aniga oo ka Wakiil ah Madaxwyene Maxamed Cabdullaahi farmaajo waxaan cadeynayaan inaan cafinay dhalinyarada huebysan ee la Shaqeysay Al-Shabaab, hadii ay doonaan inay dib ugu soo laabtaan Beled-Xaawo mushaar xataa waan u qoreynaa ee dalkooda iyo dadkooda hala shaqeeyaan ayuu yiri” Janeraal Biixi.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya aysan dooneyn dagaal dowlada kenyana aysan dagaal kula jirin, waxaana uu sheegay inay diyaar u yihiin in dhalinyarada hubeysan eek u sugan duleedka Beled-Xaawo la soo celiyo.

Inta u dhaxeysa Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera ayaa waxaa ku sugan Ciidamo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi rashiid Janan, waxaana dowladda Soomaaliya ay kal hore sheegtay in dowladda Kenya ay soo hubeyneyso Maleeshiyaad si ay khalqal u geliyaan Amniga Gobolka Gedo.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post