990 Views

Garabka Galmudug ee Cadaado oo soo dhoweeyay Go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Garabka Galmudug ee Cadaado oo soo dhoweeyay Go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 26, 2019–Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ka mid ah garabka maamulka Galmudug ee fadhigooda yahay magaalada Cadaado ayaa soo dhoweeyay go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ee ka hadlayay habraacii iyo diyaar garowga doorashooyinka dowlad goboleedyada.

 

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo kulan yeeshay taageereen go’aankaas, isla markaana bayaan wadajir ah ay uga hadlayaan xaalada Galmudug soo saareen.

 

Waxaa uu sheegay in doorashada Galmudug ay ku dhici doonto waqtigii loo asteeyay oo ay horay ugu heshiiyeen dhinacyada wada dhistay Galmudug.

 

“Doorashada Madaxweynaha Galmudug waxaa la qabanayaa 4-ta bisha July 2019, ka hor waa in la soo doorto Xubnaha Golaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug”ayuu yiri Cali Gacal Casir.

 

Waxaa uu ku eedeeyay Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee dalka inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha Galmudug, ayna ka shaqeynayaan ficilo kala fogeynaya saamileyda Galmudug.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa labadaba fadhigooda yahay cadaado, waxaana labada Mas’uul ay ku dhow yihiin dowladda Federaalka, iyagoo ka soo horjeestay go’aano uu horay u qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment