789 Views

Macalimiin dugsi qur’aan oo lagu dilay gobolka Shabeellaha dhexe.

Macalimiin dugsi qur’aan oo lagu dilay gobolka Shabeellaha dhexe.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 17 2020—Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in Degmada Cadalle gaar ahaan Tuulada lagu magacaabo Koogaar lagu dilay culimo Owdiin Soomaaliyeed oo halkaasi u tagay in ay qur’aan ku aqriyaan dad halkaasi ku xanuunsanaa.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay dhimashada 5 ka mid ah culimada deegaanka.

Sheekh Daahir Xasan cali Dheere

Macalin maxamuud canbuure

Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe

Macalin Muqtaar C/laahi Cilmi

Macalin Muxumud Xasan Cali Dheere.

Wararka ayaa intaas ku daraya in culimada dilkooda ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubaysan oo goobta ka baxday.

Goobjooge ku sugan Degmada Cadalle ayaa sheegay in loo malaynayo in falkaan uu salka ku haayo anaano qabiil.

Maalin ka hor ayay ahayd markii culimo odiin gaara 4 lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post