390 Views

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo u ambabaxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo u ambabaxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya
____________________________________________________________________________


Isniin: June 27, 2022

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa DFS Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo ay ku martiqaaday Wasaaradda Bey’adda ee dalkaas.

Si loo dardar galiyo dhoofka xoolaha Soomaaliya oo dhowaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa DFS ku guulaysatay in xayiraadii dhoofka laga qaado iyo dhoofinta hilibka ceerin oo iyadana la doonayo in loo dhoofiyo dalkaas.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa DFS ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona dhigiisa Boqortooyada Sucuudiga iyo Madaxda Ha’ayadda Cuntada & Daawooyinka ee Sucuudiga waxaana la filayaa in sanadkan ay gaarto tirada xoolaha loo dhoofinayo Sucuudiga ku dhowaad 1 Milyan oo neef.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post