909 Views

Magaalada Beledxaawo Askari horey u dilay labo ciyaartoy oo saaka xukun dila lagu fuliyay

Magaalada Beledxaawo Askari horey u dilay labo ciyaartoy oo saaka xukun dila lagu fuliyay
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 22, 2021

 Warrarka laga helayo magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka meel fagaare ah lagu toogtay askari ka tirsanaa ciidamada sirdoonka Soomaaliya oo horraantii bishii Noofeembar degmadaasi ku dilay labo wiil oo ciyaartoy ahaa.

Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday sagaalkii bishan Diiseembar dable Maxamad Cali Xuseen, waxana saaka meel fagaare ah degmada Beledxaawo lagula fuliyay xukunkii dilka ahaa, oo ah qisaasta labadii marxuum ee uu horey u dilay.

Soomaaliya waxa billihii la soo dhaafay kordhayay dillalka ciidamada dawladdu u gaystaan dadka rayidka ah, waxana jira tiro askar ah oo hadda u xiran eedeymo la xiriirra dillalka dadka rayidka ah

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post