636 Views

Wasiirka amniga Puntland oo shegay inay bixinayaan magta gabadhaasi yar oo 15 sano jir ahayd ee ciidamada ammaanka Puntland dileen..

Wasiirka amniga Puntland  oo shegay inay  bixinayaan  magta gabadhaasi yar oo 15 sano jir ahayd ee  ciidamada ammaanka Puntland dileen..
____________________________________________________________________________

January 6, 2021 

 Wasiirka wasaaradda amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee marxuumad Nadiiro Faysal Shire oo dhowaan lagu dilay magaalada Garoowe.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay bixineyso magta gabadhaasi yar oo 15 sano jir aheyd, islamarkaana u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ciidamada ammaanka Puntland dhowaan ku fureen dad dibad-baxaal ah oo ku sugnaa Garoowe.

Waraqaddan ayaa lagu socod-siiyay wasaaradda Maaliyadda Puntland, islamarkaana la ogaysiiyay Qoyska Marxuumadda oo horey u dalbaday inay helaan cadaalad.

Sidoo kale waxaa qoraalka loogu caddeeyey ehellada marxuumadda in mas’uuliyadda ay la waregtay dowlad goboleedka Puntland.

Shalay ayey aheyd markii warsaaxafadeed ka soo baxay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland, si adag looga hadlay dhacdadaasi dilka ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post