273 Views

Dadka waayeelka ee Dalka Japan oo aad ugu dhimanaya cudurka Covid 19

Dadka waayeelka ee Dalka Japan oo aad ugu dhimanaya cudurka Covid 19
____________________________________________________________________________

Isniin : February 6 2023 

Japan oo mar lagu tilmaami jiray meelaha ugu dhimashada yar cudurka Covid 19 ayaa haatan tirada dhimashada cudurkaa ay kor u kacaysay tan iyo dhammaadkii sanadkii 2022 kii.

Meeshii uu sarreysay ayey gaaraty 20 January ee sanadkan iyadoo ka sara martay Ingiriiska, Mareykanka iyo koofur kuuriya , sida ay sheegtay Jaamacadda Oxford qeybta xogaha caalamka .

Japan ayaa laga si weyn looga xiray dadka ajnabiga ee booqanaya laga bilaabo 2020 ilaa iyo bartamihii sanadkii tagay . waxaana ay xuduudaheeda u furtay si taxadar lehiyadoo shuruud looga dhigay dadka booqanaya in ay ceymis dhinaca caafimaadka ah iibsadaan, Af xirkana ay ku qaataan goobaha dadku isugu yimaado.

Qaar ka mid ah ardayda ayaa cuntooyinka ku cunayey aamusnaan muddo labo sano ka badaniyadoo dugsiyadu soo rogeen mamnuucid la saaray xilliga qadada in cuntada lagu dul sheekeysto.

Hadda dadka cudurka u dhimanaya waa dadka da’da ah oo u soo raacaan xaalado kale oo caafimaad , sida ay khubaradu sheegayaan .

“ Aad bay u adag tahay in laga hortago dhimashooyinkan oo looga hortago daweyn “ ayuu yiri

Hitoshi Oshitani oo ka mid qubarada sida aadka u taqaana fayrusyada.

Dadka da’da ah ee ay haleelaaan cuduradan oo ay ku haleelaan guryaha ama meelaha dadka u dhaxeeya ma helayaan daweyn ku habboon , ayey sheegayaan qaar ka mid dhaqaatiirta , waxaana la sheegay in ay u baahan yihiin daweyn degdeg ah.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta ayaa qaba in Coronovirus aaan la siini muhiimad gaar loona aqoonsado jirrooyinka heerka labaad ee qatarta ah oo ay daweyn karaan isbitaalo gaar ah oo loogu talagallay oo ay dowladdu leedahay

Dr Shibuya ayaa ku baaqay in Covid 19 hoos loo dhigo loona daweyo sida cudurada qandhada leh ee hargabku ka mid yahay isla markaana dhammaan bukaan socodyadaiyo isbitaalada lagu daweeyo dadka qaba.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida ayaa horraantii Bishan sheegay in heerka Covid hoos loo dhigo laakiin khubaradaoo u uku jiro la taliyaha saree e Japan u qaabilsan coronavirus Shigeru Omi ayaa isna ku baaqayey arrintan tan iyo sanadkii hore.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post