468 Views

Pope Francis oo magacaabay guddi ka kooban saddex dumar ah laba sooro ah iyo qof caadi ah

Pope Francis oo magacaabay  guddi ka kooban saddex dumar ah laba sooro ah iyo qof caadi ah
____________________________________________________________________________


Arbaco: July 13, 2022

Pope Francis ayaa magacaabay magacaabay guddi ka kooban saddex dumar ah — laba sooro ah iyo qof caadi ah – guddiggaas oo markii hore rag kaliya ahaan jiray kuwaas oo kala taliya doorashada hoggaamiyeyaasha kiniisadaha.

Horaantii bishaan, Pope-ka ayaa sheegay in uu doonayo in uu dumarka siiyo jagooyin heer sare ah oo dheeraad. Saddexda dumar ah ee hadda loo magacaabay Vatican-ka ayaa baari doona diiwaanka hoggaamiyaha kiniisadda ka dibna waxay kala talinayaan Pope-ka qofka ay tahay in la doorto.

Kaniisadda Katooliga Romanka dumarku wali ma noqon karaan hoggaamiyaha kiniisadda, ama xataa wadaaddada, laakiin Pope Francis wuxuu sheegayin uu fursad siin doono haweenka si ay u hoggaamiyaan wax kasta oo ka tirsan Vatican-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post