1824 Views

Maamulka Isbitaalka Madiina oo Xaqiijiyay in Ugaaska Xawaadle Ugaas Xasan uusan u geeriyoonin COVID-19..

Maamulka Isbitaalka Madiina  oo Xaqiijiyay in Ugaaska Xawaadle Ugaas Xasan  uusan u geeriyoonin COVID-19..
____________________________________________________________________________

February 24, /2/ 2021

Qoraallo ay soo saareen isbitaalka Madiina iyo Taliska booliska Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey sababta keentay dhimashada Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Warqadahaan waxaa lagu xaqiijiyey in Ugaasku uusan u geeriyoon cudurka Coronavirus oo markii hore la sheegay inuu sababsaday.

Sida lagu sheegay qoraalkan, baaritaanadii la sameeyey waxaa lagu xaqiijiyey in Ugaas Xasan uu u geeriyooday Wadne xanuun.

Dhakhaatiirta caafimaadka iyo laanta baarista dembiya ee booliska Soomaaliya ayaa geerida Ugaaska kadib bilaabay baaritaano, si loo ogaado sababta keentay dhimashada.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa Ugaaska beesha Xawaadle ayaa xalay fiidkii hore ku geeriyooday Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Ugaaska oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday.

Meydkiisa ayaa la sheegay in berri loo qaadayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Halgan oo lagu aasayo, halkaas oo ay degaan qoyska reer Ugaas ee beesha Xawaadle.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post