462 Views

Japan oo cabasho rasmi ah u gudbisay Beijing, ka dib markii markab ay leeyihiin ciidamada badda Shiinaha uu ka shiraacday

Japan oo  cabasho rasmi ah u gudbisay Beijing, ka dib markii markab ay leeyihiin ciidamada badda Shiinaha uu ka shiraacday
____________________________________________________________________________


Isniin:July 4, 2022

Japan ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay Beijing, ka dib markii markab ay leeyihiin ciidamada badda Shiinaha uu ka shiraacday meel u dhow jasiiradaha ku yaal badda bari ee Shiinaha oo ay labada dal ku muransan yihiin.

Maraakiibta ilaalada xeebaha Shiinaha ayaa si joogto ah uga shiraacda meel u dhow jasiiradaha, oo loo yaqaan jasiiradaha Senkaku ay Tokyo u taqaanno Shiinahana uu u yaqanno Diaoyu.

Waxaa la rumeysan yahay tani iyo 2018-kii in marki ugu horreeyey maraakiibta Shiinaha ay aaggaasi soo galaan.

Beijing waxay sheegtay waxa ay sameysay iney yihiin kuwa sharci ah, sharcigana waafaqsan.

Dhanka kale, warbaahinta Japan ayaa sheegtay in markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka lagu arkay meel u dhow jasiiradaha, inkastoo Tokyo aysan weli xaqiijinin wararkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post