339 Views

Wasiirka Dhallinyarada Oo Bogaadiyey Dhallinyaro U Istaagay Gurmadka

Wasiirka Dhallinyarada Oo Bogaadiyey Dhallinyaro U Istaagay Gurmadka
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 31, 2022

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa galabta kulan dhiirri-gelin la qaatay dhallinyarada Daryeel bulsho oo ka mid ah kooxaha dhallinyaro mutadawiciin ah ee  isu-xilqaamay u gargaarka dadkii ku dhibtooday musiibadii Zoobe 2.

Wasiirka ayaa dhallinyarada kula dardaarmay inay xoogga saaraan in dadweynaha magaalada jooga ay ku wacyigeliyaan inay isbitaallada aadaan oo dhiig ku deeqaan iyo in la diyaariyo cunto bisil iyo dhar.

Waxaa kale oo uu Wasiirku maanta kormeeray kooxo dhallinyaro ah oo Wasaaraddu abaabushay, kuwaas oo ku hawlan gurmadka mushaqadii dhacday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post