1416 Views

Kulamo Layskunariwaayey Oo Saacadihii lasoodhafay Kadhacay Muqdisho !!!

Kulamo Layskunariwaayey Oo Saacadihii lasoodhafay Kadhacay Muqdisho !!!
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 09, 2018—Madaxtooyada Somaliya waxaa xalay hareeyay kulamo kaladuwan oo isugu jiray kuwo gaargaar ah iyo kuwo guud, waxaa looga hadlayay go’aanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ee la xiriira kala diristii Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hay’addaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sabtidii ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga maaliyaddu ay tahay in uu shaqadiisa caadiga sii wato, iyada oo Guddoomiyuhu ku sheegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka.

Kulankii u horeeyay waxa uu isla shalay Villa Hargeysa ku dhexmaray; guddoomiyaha golaha shacabka Mursal iyo labadiisa kuxigeen Cabdiweli Muudeey iyo Mahad Cawad, Labada Gudoomiye kuxuigeen ayaa Afhayeenka golaha shacabka Mursal u sheegay in aysan ku qnaacsaneyn Tilaabada uu qaaday, iyada oo kulanka oo saacado ka dheeraad ah watqigii loogu talagalay qaatay.

Labada Guddoomiye Kuixgeen oo siday fariinta Gudoomiye Mursal, ayaa maqribkii shalay ka hor la kulmay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

Labada Gudoomiye Kuxigeen  ayaa kulan kale oo waqti badan la isku helay la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kulanka danbe ayaa uga hadleen xaalka taagan iyo heerka uu marayo  go’aankii lagu kala diray guddiga maaliyadda bishii November-2018.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo xafiiska fadhiya wax ka yar 7 Bilood ayaa xiligan wajahaya Cadaadis kadhashay kala dirista guddigii maaliyadda oo ay isaga u la muuqato in ay ahayd mid aan xeerka waafaqsnayn balse ay kuxigeenadiisa la tahay in ay ahayd mid sax ah.

Mursal oo hore u ahaa Wasiirkii gaashaandhiga ayaa xilkaasi iska casilay si uu ugu tartamo xilka guddoomiyaha golaha shacabka oo uu iska casilay xildhibaan Maxamed Sh, Cismaan Jawaari oo ku fadhiyey kursigaas muddo 5 sano ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment