1614 Views

Dowladda Somalia Oo Ka Hadashay Soomaali Ka Baxsatay Xabsiyo Ku Yaalla Libya

Dowladda Somalia Oo Ka Hadashay Soomaali Ka Baxsatay Xabsiyo Ku Yaalla Libya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28ka Ogosto, 2018:Shalay waxaa dagaal u dhaxeeyey laba Jabhadood uu ka dhex dhacay Xabsiyo ku yaalla dalka Libya oo qaarkood ay ku xirnaayeen dad Soomaali ah,kuwaas oo saameyn uu ku yeeshay dagaalkaas.

Warar soo baxayay ayaa waxa ay sheegayaan in tiro ka mid ah maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa Xabsiyada Salaxu diin iyo Tariqu Mataar ay ka baxsadeen,kuwaas oo loo heystay dambiyo kala duwan.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Cali Siciid Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay facebook waxa uu ku sheegay in Xabsiyada qaar Maxaabiis Soomaali ah ee ku jiray ay baxsadeen laakin Xabsiga Ain Zara ay  weli ku xiran yihiin.

Waxa uu sheegay Safiir Cali Siciid Fiqi in tiro ka mid ah kuwa Xabsiyada ka soo baxsaday ay ugu yimaadeen Safaarada,isla markaana ay ka Shaqeynayaan sidii meel la isugu keeni lahaa.

Si kastaba Xabsiyada dalka Libya waxaa weli ku xiran Soomaali farabadan,kuwaas oo loo heysto dambiyo kala duwan halka kuwo kale ay horay dowladda Soomaaliya ka soo deysay Xabsiyadaas,isla markaana lagu soo celiyay dalka Soomaaliya.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment