1764 Views

Somaliland oo beenisay eedeynta Puntland ee taageerada Al-Shabab

Somaliland oo beenisay eedeynta Puntland ee taageerada Al-Shabab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 21, 2018 – Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Maamulka Somaliland islamarkaana uu shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa looga hadlay colaadda Tukarraq iyo eedeeyn ay shalay Puntland u jeedisay Maamulka Somaliland.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Wasiirrada Maamulka Somailand,madaxweynayaashii hore ee Somaliland soo maray qaarkood iyo xubno kale.

Kulanka kaddib ayaa warbixin laga soo saaray lagu sheegay in Somaliland ay difaacaneyso dhulkeeda islamarkaana dagaalkii 15kii Bishan ka dhacay Tukarraq uu ahaa duullaan lagu qaaday dhulka Somaliland.

Waxaa kale oo lagu sheegay in Somaliland ay beenisay eedeyn shalay ka soo baxday Maamulka Puntland oo la xiriirtay in Somaliland ay taageerto Al-shabaab iyo Daacish oo ka dagaallama Buuraleyda Galgala.

Waxaa ay Somaliland sheegtay in aysan jirin eedda Puntland islamarkaana  uu caalamka Somaliland ku yaqaanno in aysan taageerin waxa loogu yeero argagixisada.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment